Madaxweyne Farmaajo iyo Xubno la socda oo goordhaw gaaray magaalada Baydhabo




Somalia's newly-elected President Mohamed Abdullahi Farmajo addresses lawmakers after winning the vote at the airport in Somalia's capital Mogadishu, February 8, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Sharing is caring!

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Xubno katirsan labada Golle ee dowlada ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay , ciidamada amaanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaana lasoo dhoobay wadooyinka magaalada kuwaa oo si weyn u adkeenaya amaanka inta uu Madaxweynaha joogo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyinta kale ee la socda ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Warrakayaga dambe Insha Allah

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com