Madaxwaynaha oo ku baaqay Roob-doon




Sharing is caring!

 

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Farmaajo, ayaa ugu baaqay shacabka

Soomaaliyeed in ay Toddobaadkaan gudihiisa sameeyeey isu soo baxdyo ALLE

bari iyo Roob doon ah.

 

Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan

Wasiirrada Warfaafinta, Diinta, guddoomiyaha gobolka Banaadir,

agaasimeyaala ka socda wasaaraha qaar iyo Culimada Soomaaliyeed qaarkood,

ayaa shir saxaadeed ka ku qabtay xafiiskiisa oo oo uga hadlay xaaladaha

abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya.

 

Madaxweynaha, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay la socdaan cudurro halis

ah,  isla markaana dadka ay bilaabeen in ay ka soo qaraxaan gobollada ay

dhacdooyinkaasi ka taagan yihiin, waxa uu boggaadiyey dedaallada ay wadaan

Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga Qaranka ee guddiga Abaaraha Soomaaliya oo

sameeyey isku dayo wanaagsan ilaa welina wada.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Farmaajo, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in

maalinta Talaadada ee soo socoto ay sameeyaan isu soo baxyo ALLE Bari iyo

Roob doon, si ALLE nooga dulqaado abaaraha dalka aafeeyey xilligaan.

 

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay

in dambiyada ka dhacay Soomaalida dhexdooda in ay keeneen abaaraha, loona

baahan yahay in laga Towbad keenno, si Khataraha ay abaartu ka mid tahay

ALLE nooga Qaado

Next page

The author is a senior freelance journalist based Somali capital Mogadishu