Madaxtooyada oo codsatay in la baaro eedeyn uga timid Hanti Dhowraha Qaranka

Mareeg.com: Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ka dalbaday inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo cabasho uu dhawaan jeediyey, warbaahintana uu mariyey Hanti Dhowraha Guud, Dr. Nuur Faarax.

Dr. Nuur Faarax oo 20-kii bishaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka madaxtooyada Soomaaliya uu shaqada xafiiskiisa horjoogsaday.

“Waxaa naloo diiday inaan ku shaqeyno xafiiska Hanti Dhowrku ku lahaa madaxtooyda ilaa 1975-tii, xalayna gaarigeyga waxaa loo diiday madaxtooyada, waxaana la isku dayey in dhibaato la ii geysto, waxaana arrintaas sabab u ah askarta ilaalisa madaxtooyada iyo maamulkooda” ayuu yiri Dr Nuur Faarax.

Haddaba, war uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa lagu sheegay in madaxtooyadu si weyn uga walaacsan tahay eedeymaha uu soo jeediyey Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Madaxtooyada ayaa ka Xeer Ilaaliyaha Guud ka codsatay inuu degdeg baaritaan ugu sameeyo eedeymahan.

Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay iney ka go’antahay, mar walbana diyaar u tahay taageerada in si hufan uu u shaqeeyo xafiiska Hantidhowrka Guud.

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka ayaa horay u yiri “Shaqadii Qaranka aan u heynay iyo baaristii aan u heynay waxaa galay hakad, waxaana sabab u ah madaxtooyada iyo askarta maamusha meesha laga soo gala Villa Somalia”.

“Shaqo nadiif ah waddanka u qabta ayaan is laheyn, laakin hadda nolosheena ayaa halis ku jirta, aniga si xun ayaa la iila hadlay, shaqaalahayagiina waa la argagax geliyey, mana la ogola isla xisaabtan” ayuu sidoo kale Hnati Dhowraha Guud ee Qaranka.

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa horay si wadajir ah u shaaciyey iney musuq ku heleen ilaa 19 wasaaradood.

Mareeg Media

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com