Madaxa Amisom oo maamulka Juba kala hadlay dagaal lagu qaado Jilib & Jamaame

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba.

Maman Sidikou ayaa kulan la qaatay hoggaamiye ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubba, Cabdiqaadir Lugadheere iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii gobollada Jubbooyinka dib looga billaabi lahaa howlgalka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Lugadheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii Al-Shabaab looga saari lahaa magaalooyinka Jilib iyo Jamaame ka hor bisha March ee sanadkan 2015.

Wuxuu intaas raaciyay in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu xafiis ka furan doono magaalada Kismaayo.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com