Maamulka Ximan & Xeeb oo dalbaday ciidamo ka socda Amisom

Mareeg.com: Maamulka Ximan iyo Xeeb ee gobolka Galgaduud ka dhisan ayaa codsaday in ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo deegaannada uu maamulka ka arrimiyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Ximan iyo Xeeb, Cabdi Maxamed Axmednuur ayaa sheegay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo caawiya ciidankooda si loo adkeeyo ammaanka deegaannada uu maamulka ka taliyo.

Cabdi ayaa sheegay in ciidankooda aanay ku filnayn sugidda ammaanka deegaanka, sidaas awgeed-na ay codsanayaan in ciidamo ka tirsan AMISOM la keeno gobolka.

Maamulka Ximan & Xeeb ayaa dedaal ugu jira sidii magaalada Cadaado loogu qaban lahaa shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, inkastoo Dhuusamareeb ku heysato.

Dhinaca kale, wuxuu ugu baaqay baarlamaanka federaalka Soomaaliya inuu ansixiyo xukuumadda cusub ee lagu wado in berri oo Isniin ay hor-tagto baarlamaanka si ay u dalbato codka kalsoonida baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in xukuumadda cusub ay hor yaallaan howlo qaran oo waa-weyn oo u baahan in sida ugu dhaqsaha badan loo guda galo.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com