Maamulka Puntland Oo Digniin U Diray Ganacsatada Deegaanadaasi

Sharing is caring!

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qabanayaan Ganacsatada kala soocaya lacagaha shilin Soomaaliga ah gaar ahaan degaannada Puntland.

 

Xoghaya dowladda hoose ee Garoowe  Cabdiqafaar Sh Axmed,ayaa sheegay in dowladda hoose  ay wax ka qaban doonto ganacsatada lagu arko iyaga oo kala soocaya lacagaha shilin Soomaaliga ah.

 

Waxaa kale oo uu ka digay dadka sameynaya lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga ah taas oo dhibaato badan ku heysa Gobollada dhexe iyo degaannada Puntland.

 

Maamulka Puntland iyo Ganacsatada oo Khamiistii ku kulmay Magaalada Boosaaso ayaa isku afgartay in la joojiyo diidmada lacagta,sidoo kalena aan la celin lacagaha marka laga reebo kuwa duugga ah,sidoo kale qiimaha $1 Doollar ayaa laga dhigay 28 Sh.Soomaali ah.

 

Maamulka Dowladda hoose ee Garoowe ayaa sheegay Ganacsatada lacagaha diidaya ay la mid yihiin Al-shabaab,dowladdana gacan adag ku qabaneyso.

Next page

About waashiton 783 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia