Maamulka Jubba oo sheegay in ay qancinayaan dadka dhaliilsan




Sharing is caring!

Kismaayo ( Mareeg)-Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin qancinta Beelaha dega Jubbooyinka ee dhaliilsan Maamulka Jubba.

Mudane Cabdi Xasan Xiish ayaa ku nuux nuuxsaday in aanu jirin dad ay dhibaato kula kaceen gaar ahaan Masuuliyiinta iyo Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka.

“ Cid kasta ootalo u sida Maamulka Jubba halkaan Kismaayo ayaan ku soo dhaweyneynaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish.

Hadalka Xildhibaankaan Jubbaland ka tirsan ayaa imaanaya xilli Maamulkiisa lagu eedeeyo in dadka ka soo jeeda deegaanadaas qaarkood ee dhaliilsan maamulka xad gudubyo kala kulmaan Ciidamada Maamulka.

Next page