Maamulka Jubba oo ku biiray Maamulka Puntland shirka doorashada 2016 ka baxay

September 20(Mareeg)—Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku biiray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo hore ugaga baxay shirka loogaga hadlayo qaabka loo marayo in doorasho ka dhacdo dalka sanadka 2016ka.

 

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaan la ogeyn sababta dhabta ah ee uu ugaga baxay shirka inkastoo uu saaxibkii koowaad ee dhanka siyaaasada uu yahay Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas.

 

Hase yeeshee Maamulka Puntland ayaa shirka uga baxay arrimo la xiriira Maamulka Galmudug iyo sababo uu maamulka ku tilmaamay inay tahay dowlada federalka oo hareer maray dastuurka dalka.

 

Shirka ayaan la soo xirin iyadoo lagu waday in gelinkii dambe ee maanta la soo afjaro isla markaana laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan waxa lagu heshiiyay.

 

Sharing is caring!

Next page