Maamulka Jalalaqsi oo Alshabaab ku eedeeyey iney gubeen 3 gaadiid ah oo shacab lahaayeen

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Alshabaab deegaan ka tirsan degmada Jalalaqsi ku gubeen ilaa 3 gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow ayaa warbaahinta u sheegey in illaa 3 gaari lagu gubay meel ku dhow degmadaasi, wuxuuna falkani ku eedeeyey xarakada Al-shabaab.

“Gaadiidka la gubey waa 3 baabuur oo ah baabuurta ay dadka shacabka isticmaalaan , 2 waa Hoomeey, midma waa Jante Diyeeshe, waxaa lagu gubey buulo weyn, waxaana gubey nimankii nabad diidka ahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha oo la hadlay Goobjoog FM.

Wuxuu sheegey in sababta ugu weyn ee gaadiidka loo gubay ay ahayd maadaamaa ay u hogaansami waayey amar kasoo baxay Al-shabaab oo ahaa in ay baabuurta isticmaalaan waddo laamiga la leexsan oo 60-km u jirta halkaasi oo lacago looga qaado gaadiidka.

“Qofkii jidkii tooska maraya wuu naga dhuuntay darteed ayay u gubayaan” ayuu yiri guddoomiyaha oo sheegey in dadka aysan awoodin in masaafada intaasi dhan ay dariiqii laamiga ah ka leexdaan iyaga oo markii horaba la daalaa dhacayay biilkii.

Waxa uu dhanka kale sheegey in ay jiraan dad la afduubtey oo illaa iyo hadda aanan la ogeyn waxa uu ku suganyahay xaalkooda.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii deegaanka Xamiil Gaab ee Jalalaqsi u dhow lagu gubey 2 gaari oo dad shacab ah leeyihiin.

Alshabaab ayaa horay looga bartay iney gubaan gaadiidka qaadka qaada iyo sidoo kale gaadiidka badeeco u qaada deegaanada aysan iyagu ka raalli aheyn.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com