maamul-goboleedka-somalia-oo-looga-yeeray-muqdisho

April 13 (Mareeg.com)— Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Muqdisho isugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo lagu wado in maanta ay soo gaari doonaan qaar ka mid ah Madaxweynayaasha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxda shanta maamul goboleed, kulankan ayaa ah mid wada tashi ah.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadan looga hadlayo arrimaha shirka London iyo sidii dowladda Federaalka u hoggaamin laheyd shirkaas.

Ilo dhinaca diblomaasiyada ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dhaco jiro is bar-bar yaac madaxda qaarkood ee ka qeyb galka shirka London.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in shirka uu noqdo mid guud oo masiirka dalka looga hadlo, isla markaana dowladda Federaalka ay hoggaamiso, ayna ula tagaan hal ajande oo mid ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa lagu wadaa inay shir guddoomiyaan shirka London ee dhici doona bisha soo socota May.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu casuumay shirka, iyadoo qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada ay Muqdisho kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain oo bishii hore booqasho ku yimid.

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com