Kulan Jabuuti ku dhexmaraya madaxweyne Xasan iyo madaxweynaha maamulka Somaliland

Mareeg.com: Madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa martiqaad u Fidiyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Xasan Sheekh iyo Siilaanyo ayaa aqbalay casumaada uga timid madaxweyne Geelle, waxaana madaxweyne Xasan maanta u dhoofay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isagana ka baxay Hargeysa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wafdi Muqdisho ka baxay uu kamid yahay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Saddexda Mas’uul ayaa la filayaa in ay isla soo qaadaan Wadahadalkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Iyo Maamulka Soomaaliland,oo Mudooyinkaan Hakad ku jiray.

Todobaadkii hore ayaa kulan dib u dhac ku yimid, kadib markii sida la sheegay mashquul dib u dhigay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com