Ku dhowaad 20 qof oo shuban biyood dartiis ugu geeriyooday deegaano ka tirsan Balcad

Wararka laga helayo  degaanka Xawaadley oo hoos taga degmada Balacad  ee gobolka Shabeelah Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 20 qof ka dib markii uu ka dilaacay cudurka Shuban biyoodka.

Tirada dadkan dhintay ayaa ah tan iyo bolowga bishan aynu ku guda jirno ee Maarso

Gudoomiyaha degaanka Xawaadley Cabdulle Macaani Beerow oo la hadlay idacadaha maxaliga ah ee ka howlgala  magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in 20 qof ay dhinteen sidoo kale ay jiraan dad badan oo la ildaran cudurka Shuban biyoodka.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in goobo Caafimaad oo lagu daryeelo dadka dhibaateysan in aysan ku oolin degaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah ay lasoo gaaraan dadka dhibaateysan.

 

Sharing is caring!

Next page

The author is a senior freelance journalist based Somali capital Mogadishu