Kooxo Habiinkii Dhaca Ka Geysan Jiray Muqdisho Oo Howlgal Lagu Soo Qabtay + Sawirro

Waxaa xalay Ciidamada xasilina Muqdisho howlgal xoogan ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir iyadoona howlgalkaasi lagu soo qabtay kooxo burcad ah oo Habiinkii dhaca ka geysan jiray gudaha Dagmadaasi.

Ciidamada howlgalka sameeynaaye ayaa gacanta kusoo dhigay sadex nin oo burcad ah oo watay qoray AK-47 iyo Mooto bajaaj waxaana burcada lagu soo qabtay 10- Mobile ay ka soo dhaceen dad degan xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Sadexda nin ee Ciidamada amniga soo qabteen ayaa mid kamid ah waxa uu yahay dhaawac waxaana goobta lagu soo bandhigaayay burcadan joogay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan cidkasto oo dhibaato ku ah dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho islamarkaana waxa uu sheegay in burcadaan la horgeyn doono Cadaalada.

 

Sharing is caring!

Next page

About Xuseen Axmed 1577 Articles

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia