Kenya oo Soomaaliya u gacan gelisay wariye Alshabaab ah

Mareeg.com: Dowladda Kenya ayaa dowladda Soomaaliya u gacangelisay wariye ka tirsanaa Alshabaab, kaasoo dhowr bilood ka hor lagu qabtay Nairobi.

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay Xasan xanafi oo la sheegay in lo heysto dilka weriyaal Soomaaliyeed.

Saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegayn inuu socdo baaritaan, isla markaana goordhaw sharciga la horgeyn doono.

Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale.

Ilaa hadda Maxkamadi kuma cadeyn Xasan Xanafi inuu dilay wariyaasha dilkooda loo heysto, hase ahaatee garsoorka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in la hayo dacwado ka dhan ah oo soo gudbiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Bishii August ee lasoo dhaafay ayaa booliska Kenya shaaciyey inuu qabtay Xasan Xanafi, hase ahaatee waxey sheegeen inuu inkiray magaciisa.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com