Kenya: Milateriga oo loo magacaabay taliye cusub

Mareeg.com: Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Jen. Samson Mwathethe u magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee Milateriga dalkaas.

Taliyihii hore ee ciidamada Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa is casilay, taasoo keentay in bedelkiisa la magacaabo sarkaal cusub.

“Waxaan taliye cusub ugu magacaabay millateriga Kenya, Jen. Mwaththe, wuxuuna xilka ula wareegi doono si rasmi ah toddobaadka soo socd” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Taliyihii hore ee ciidamada Kenya Jen. Karangi ayaa si weyn loogu eedeeyay jawaabtii ay ciidamada dalkaas ka bixiyeen weerarkii Westgate Mall oo Al-shabaab ay weerartay bishii September ee sannadkii 2013.

Sidoo kale, waxaa xilligaas ciidamada lagu eedeeyey in ay geysteen boob habtiyeed, intii howlgalku socday suuqa ganacsiga Westgate.

Madaxweynaha Kenya ayaa bishii December ee sannadkii hore magacaabay taliyaha cusub ee booliiska iyo wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, kuwaasoo iygaana lagu eedeeyay inay tallaabo cad ka qaadi waayeen kooxaha weeraraya Kenya.

Taliyahan cusub ee la magacaabay ayaa kusoo beegmay xilli uu dalka Kenya wajahayo colaad uga imaaneysa Alshabaab-ka Soomaaliya oo u gudbay gudaha Kenya.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com