Kay: Shabaab waxey qiimo tireen nafta Bani-aadanka

Muqdisho, 28 Maarso 2015 – Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya SRSG Nikolas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee shalay lagu qaaday Hoteel ku yaala  caasimada Mugdisho, weerarkaas oo sababay in ay dad badan oo rayidah ku dhintaan sida  Xog-hayihii Joogtida ahaa  ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobay ee  Jeneva, Mudane  Yusuf  Bari- Bari.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarkii  argagixisinimo ee shalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa aad iiga yaabiyay sida argagixisada ay u qiima daraynayso nafta bani-aadanka  ee aan waxba gaysanin. Waxaa kale ee aan  ka xumaaday in aan ogaado in  Xog-hayihii  Joogtada ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midobay ee  Jeneva, Mudane  Yusuf  Bari- Bar iuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weeraka, kadibna u dhintay dhaawicii soo gaaray xalay. Waxaa (marxuumka) aad loogu xasuusanaan doonaa sidii ay ooga go’aneed in uu u difaaco una horumariyo Xuquuqul Insaanka Guud- ee baniaadamka.”

“Wakhtigan murugada leh, waxaan doonayaa in aan tacsi kal iyo lab ah u diro Dowlada Federaalka Soomaaliyeed,  Qaysaskii iyo Saaxiibaddii dadkii ku dhintay amaba ku dhaawacmay weerarkan.”

DHAMAAD

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com