Jen. Cabdirazaaq Isxaaq Biixi oo ku geeriyooday Muqdisho

Mareeg.com: Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyoodey General Cabdirisaaq Isxaaq Biixi oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho.

General Cabdirisaaq Isxaaq Biixi oo ka soo mid noqdey ciidammada Qalabka Sida heerar kala duwan ka gaaray ayaa u geeriyoodey xanuunka Neerfaha oo ka dhashay dhaawacii ka soo gaaray qarax hadda ka hor rag uu ku jiray lagula eegtay degmada Dhuusamareeb ee gobolka  Galgaduud.

Jeneraal Cabdirisaaq Isaaq Biixi, Taariikhdiisa oo kooban ayaa waxaa RM uga warbixiyey Walaalkiisa Jeneraal Maxamed Isxaaq Biixi, waxa u ku bilaabay:

Sida uu sheegay Jen. Maxamed Isxaaq Biixi, Jen. Cabdirisaaq Isaaq Biixi waxa uu ku dhashay sannadka marka uu ahaa 1948-dii magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isla markaana uu ku soo qaatay Waxbarashadiisii  ilaa heerka dugsiga dhexe kaddib waxa la keenay caasimadda Muqdisho si uu heerkiisa waxbarasho u sii wato waxa uu ku dhameeyey Dugsiga sarre.

Waxaa loo qaatay xilligii dowladda Military-ga aheyd Tababar Leyli Sargaal ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loogu qaaday magaalada Modena ee dalka Taliyaaniga kaddib waxa uu ku soo laabtay dalka, isagoo gudagalay howlaha ciidammada heerar kala duwanna ka gaaray.

Waxa uu soo noqday taliyihii qeybta 21-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed sannadkii 1981-kii, gobolka Galgaduud ayuuna ku sugnaa xilligaasi.

Waxa uu soo noqdey Wasiirkii Gaashaandhigga dowladdii KMG-ka aheyd ee uu madaxweyne ka ahaa Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Muddo ku dhowaad laba sannadood ayuu ka xanuunsanayey dhanka neerfaha, oo uu ku jiray Isbitaal, waxaana qorshuhu ahaa in maanta loo qaadodalka Turkiga, hasa yeeshee General Cabdirisaaq Isaaq Biix tii Rabbi ayaa xalay geeriyoodey.

Jeneralka ayaa Ifka uga tagay 5 carruur ah oo 3 ka mid ah ay yihiin rag halka 2na ay yihiin gabdho iyo xaaskiisii oo Muqdisho ku sugan.

Jen. C/risaaq Isxaaq Biixi ayaa burburkii dalka kaddib waxa ka mid ahaa hogaamiye kooxeeyadii gobolka Gedo, wuxuuna mar soo hogaamiyey qaar ka mid ah maleeshiyaadkii isku hayey awoodda gobolka Gedo.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com