Jawaari: Khilaafka madaxweynaha & R/wasaaraha saameyn kuma yeelan doono Higsiga 2016

Mareeg.com: Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay kala fikir duwanaanshaha u dhaxeeya Laanta fulinta iyo Madaxtooyada ayadoo Guddoonka Baarlamaankana sheegay inaanay arrimahaasi saameyn ku yeelan doonin howlaha Dowladda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa yiri “Dhammaan shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iga guddooma salaan qadarin iyo xishmad leh. Waxaan rabaa inaan ka hadlo ra’yi kala duwanaanta maalmahan kasoo if baxday warbaahinta oo ku saabsan in ra’yi kala duwanaan ay jirto. Waxaan rabaa inaan shacbiga iyo beesha caalamkaba xusuusiyo in loo baahanyahay arrimaha noocaan oo kale ah in la dejiyo, hubaal waxaa ah in xaaladahan iyo kuwo kasii culusbo ay nasoo mareen balse aynu ku xalinay biseyl siyaasadeed oo Golaha Shacabka uu gaaray”.

“Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo in wada sahqeyntii ka dhaxeysay Golaha Shacabka iyo Laanta fulinta ee la xiriirtay sharciyadii loo dejinayey hiigsiga 2016ka in sidooda ay u soconayaan oo aanay kala fikir duwanaanshahan wax saameyn ah ku yeelan doonin oo sidooda ay u socon doonaan oo aanay jirin wax hakan doona, sidaasi ayeyna go’aansadeen guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka, wey soconeysaa howsha, wixii dhexdeenna oo kala aragti duwanaansha ahna si biseyl siyaasadeed, degenaansho, wadaniyad iyo u daneynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayey ku dhamaaneysaa” ayuu yiri Jawaari.

“Ugu damebyntii waxaan umadda Soomaaliyeed ka codsanayaa meel kasta oo ay joogaan iney is dejiyaan oo aanay wax dhibaato ah jirin, jirina doonin, sidoo kale Beesha caalamkana waxaan ka codsanayaa inaanay arrimahan buun buunin oo la qaboojiyo, waxan wey dhamaanayaan, si nidaam leh ayey ku dhamaaneysaa, howl hakaneysa ma jirto, wada shaqeyntana wey soconeysaa, Allaha Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka codsanayaa inuu nagu toosiyo dhammaanteen wada ay ku jirto wanaaga danta dowladnimada Umadda Soomaaliyeed” ayuu sidoo kaleyiri gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

—DHAMAAD—

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com