Jabhadda Alnsura oo qarxisay qabriga Al-imaam Al-nawawi! (Sawirro)




Sharing is caring!

Mareeg.com: Koox ka tisran Jabhadda Al-nusra ee ku xiran Alqaacidda ee dalka Suuriya ayaa qarxisay qabriga Sheekha Caalimka ah ee Al-imaam Al-nawawi ee ku aasnaa magaalada Nawa ee ku taala meel ku dhow xadka Suuriya iyo Urdun.

Naw

Laanta Afka Carabiga ee BBC oo soo xiganeysa wakaaladda warar Suuriya iyo urur Nidaamka Bashaar Al-asad mucaaridka ah, una dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in koox ka tirasan Jabhadda Al-nusra ay ka dambeeyeen qarainta qabriga Sheekh Al-nawawi.

Jabhadda Al-nusra ayaa magaalada uu ku aasnaa Sheekh Xaafidka ahaa ee Al-nawawi waxey dowladda uu hogaamiyo Bashaar Al-asad ka qabsatay bishii November ee sanadkii tegay ee 2014.

Kooxdan ayaa aaminsan in booqasha qabriyada Saalixiintu tahay shirki, waxeyna horay u qarxiyeen Minaaradda Al-jaamic Cumari, sidoo kale waxey beegsadaseen Masjidka Abubakar Alsadiiq ee magaalada Darca ee dalka Suuriya.

Nawawi 1

Al-Imaam Al-xaafid Muxyidiin Abu Zakariya Yaxya Al-nawawi wuxuu magaalada Nawa ee dalka Suuriya ku dhashay sanadkii 631 Hijriya, wuxuuna islamagaaladaas ku geeriyooday sanadkii 676 Hijriya, isagoo 45 sano jir ahaa.

Nawa

ِAl-imaam Al-xaafid Al-nanawi ayaa Islaamka wax badan u qabtay, wuxuuna allifay kutubo farabadan, waxaana ka mid ah:-

Inta badan Kitaabada halkaan ku qoran waxaa laga akhristaa dalka Soomaaliyaa, maadaama Al-imaam Al-nawawi ka mid ah culimada dhidibada u ah mad-habta Soomaaliya laga raacsan yahay ee Shaaficiya.

Mareeg Media

 

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com