Imaaraadka Carabta oo biyo gelin ku sameynaya magaalada Hargeysa

Mareeg.com: Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gudaha Soomaaliya ka billowday mashruuc ay ku biyo galinayso degaannada ay biyo yaraantu ka jirto oo deegaanada Somaliland ugu horreeyaan.

Mashruuca ayaa ku billaabanaya 13 ceel-biyood iyo goobo lagu kaydiyo biyaha roobka oo laga qodayo deegaannada maamulka Somaliland, sida uu sheegay hawl-wadeen ka tirsan Khaliif Foundation oo gacan ka geysanaysa fulinta mashruuca.

Biyogalinta ayaa waxaa qayb ka ah tuubbooyin biyaha gaarsiinaya magaalada Hargeysa oo kasoo qaadaya meel u jirta 52 km, waxaana ka faa’iidaysanaya 2 boqol iyo 50 kun oo qof oo ku nool magaaladaas.

Mashruuca ayaa looga golleeyahay in biyo ku filan oo nadiif ah ay helaan dadka ku nool degaannada ay biyo yaraantu ka jirto.

Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah magaalooyinka biyaha lagula dhiban yahay iyadoo ku taalla dhula dhagac u badan oo ay adagtahay in dhulka oo dhana qasabado la geliyo.

Inta badan magaalada Hargeysa ayaa waxaa biyaha siiya ceelal ka baxsan magaalada, kuwaasoo booyado looga soo daabulo halkaas, kadibna dadka magaalada laga iibiyo.

Mareeg Media

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com