Howlgal Xalay Laga Sameeyay Duleedka Muqdisho

Waxaa xalay Ciidamada Xasilinta Caasimadda howlgal amniga lagu xaqiijinayo ay ka sameeyeen  inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye , iyadoona howlgalkaasi inta uu socday lagu soo qabtay dad u badnaa dhalinyaro.

Howlgalka xalay Ciidamada Xasilinta Caasimada ay ka sameeyeen Duleedka Muqdisho ayaa waxa uu qaatay saacado badan iyadoo si gaar ah howlgalka uga socday agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim iyo meelaha ku dhow.

Dadka deegaanka, ayaa waxay soo sheegayan in Ciidamada Xasilinta Caasimadda ay dadka ka qab qabteen wadooyinka, waxayna isugu keeneen meel barxad ah, oo ku dhow wadada laamiga.

Ciidamada oo isku shaandhayn ku sameeyay dadkaasi, ayaa intooda badan dib u sii daayay, waxayse goobtaasi kala dhaqaaqeen tiro dad ah, oo loo maleynayo in tuhun uu soo galay.

Howlgalkii xalay laga sameeyay Duleedka Muqdisho ayaa waxa uu imaanayaa xili habeen ka hor halkaasi lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii Magaalada Baydhabo ku soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

 

Sharing is caring!

About waashiton 1140 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia