Hub fara badan oo laga soo qabtay degmada Deyniile

Mareeg.com-Ka dib howlgal ciidamada Nabad sugida Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo qabteen Hub ay ku sheegeen inay lahaayeen ururka Al-shabaab.

Hubka ayaa isugu jiray qoryo farabadan bistoolado iyo rasaas farabadan oo ay lahaayeen Ururka Al-shabaab Ay ku aasteen Guryo ciidamadu ay Baritaano ka sameyeen kuwaas oo ku yaala Deyniile.

Dhinaca kale mas’uliyiinta Hayadaha Amniga ayaa sheegay in ciidamada booliisku ay qabteen Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey iyo ninkii watay, kaasoo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cisman oo warbahinta kula hadlayay degmada Deyniile ayaa sheegay in ujeedada howlgalkani yahay adkeynta iyo sare u qaadidda ammaanka Muqdisho.

Sidoo Kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu soo qabtay hub iyo rasaas farabadan oo Shabaab ku aasteen guryo ku yaala xaafadaha degmada Deyniile.

Wuxuu intaa ku daray Afhayeenka in ciidamada Booliisku ay magaalada Muqdisho ku qabteen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ninkii watay , isagoo intaa raaciyay in tani ay ku timid geejignaanta iyo geyfanaanta ciidamada amaanka.

Howlgalo amniga lagu sugayay ayaa maalmihii u danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho,kuwaasi oo lagu baarayay Gawaarida iyo dadweynaha.

Sharing is caring!

Next page