Gudoomiyaha midowga Africa oo soo gaaray Muqdisho

Gudoomiyaha ururka midowga Africa Musa Faki Mohamet ayaa maanta soo gaaray Magaalda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa loogu soo dhoweeyay si diiran.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan dowladda , Saraakiil ka tirsan QM iyo wakiilka midowga Africa ee Soomaliya ayaa gudoomiyaha kusoo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay ayadoo la xiray wadooyinka muhiim u ah isu socodka gaadiidaka iyo dad waynaha waxaana ka mid ahaa wadada Maka al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa booqashadiisu waxaa ay tahay tii ugu horaysay oo ku yimaado dalka Soomaaliya tan iyo intii loo doortay xilka gudoomiyaha guddiga midowga Africa.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiye Musa Faki oo u dhashay dalka Chad.

Madaxwaynaha iyo gudoomiyaha ayaa lagu soo waramayaa inay ka wada hadleen arimaha ammaanka iyo abaaraha dalka ka jira.

 

 

Sharing is caring!

View All

The author is a senior freelance journalist based Somali capital Mogadishu