Galmudug oo gacanta ku dhigeen Gaari laga soo dhacay Wasiir ka tirsan Puntland




Sharing is caring!

Gaalkacyo ( Mareeg)-Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay lahayd Wasiir ku xigeenka Haweenka Puntland oo Kooxo Burcad ah ay soo qafaasheen.

Wararka ayaa sheegaya in Gaarigaasi iyo Raggii Burcada ahaa ee soo dhacayba gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Ammaanka Galmudug.

Tani ayaa sii xoojineyso wada shaqeynta iyo Xiriirka Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dhawaan ayey ahayd markii Maxaabiis ay isweedaarsadeen labadaasi Maamul oo ku aadan dad falal dambiyeedyo ka soo geystay labada Maamul deegaanno ka kala tirsan.

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com