Dhuusamareeb iyo Guriceel oo u kala dhacay ciidamada dowladda iyo Ahlusuna kadib dagaal dhacay

Mareeg.com: Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna ayaa maalintii labaad maanta ka dhacay gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa saaka ka qarxay degmada Dhuusamareeb ee xarrunta gobolka, iyadoo dagaalkaas dabajogay dagaal shalay galab ka dhacay deegaanka Guriceel oo ka tirsan Dhuusamareeb.

Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusomareeb ayaa sheegay in dagaalkii saaka ciidamada Ahlusunna magaalada looga saaray.

Dagaalka saaka ka dhacay Degmadaasi ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii Ciidamada Dowladda ee Dhuusomareeb jooga ay dagaal saaka Waabarigii ku qaadeen kuwa Ahlusunna, waxaaa Ciidanka Dowladda u suuro gashay in ay la Wareegaan Degmada Dhuusomareeb oo dhan oo markii hore labada dhinac wada joogeen.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen Ilaa 2 Kale, waxaana Wararku ay intaa ku darayaan in Ciidamada Ahlusunna ay u ruqaan sadeen  dhanka magaalada Gurceel.

Dagaalkii shalay ka dhacay Giriceel ayaa yimid kadib markii maleeshiyo ka tirsan Ahlusuna ay jid-gooyo u dhigteen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo waayahan ku sugnaa gobolka Gal-guduud.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Dhuusamreeb ku sugnaa wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo Jen. Goobaale oo ka tirsan saraakiisha ciidamada xooga dalka.

Waxaa sidoo kale, gobolkaas ku sugnaa wafdi uu hogaaminayo sii hayaha wasiir ku xigeenka arrimaha debadda Mahad Maxamed Salaad, kuwaasoo bulshada gobolka kala hadlay shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe.

Mareeg Media

 

 

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com