Gabar Iska Soo Tuurtay Dabaq Ku Yaalla Isgoyska Baar Ubax Ee Degmada Howlwadaag

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska Baar Ubax ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Dabaq ku yaalla oo Saddex Biyaano ah ay iska soo tuurtay Gabar Dhalinyo ah.

Dad Goojoogaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Gabadha Dabaqa ay iska soo tuurtay uu ahaa Hotel Saddex Biyaano ah.

Gabadha ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loo la cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla gudaha Magaalada Muqdisho oo hada xaaladeeda Caafimaad lagu dabiibayo.

Ciidamada Amniga oo goobta gaaray ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu watay gabadhaasi maanta iska soo tuurtay Dabaq Sadex Biyaano ah.

Sharing is caring!

Next page

About waashiton 1140 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia