Gaas iyo madobe oo aan ka qeyb galeynin shirka New-Deal ee Muqdisho




Sharing is caring!

uqdisho ( Mareeg)-Qaar ka tirsan Golaha Wakiilada Maamulka KMG ah ee Jubba oo u warramayay Idaacaddaha maxaliga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan Ka maamul ahaan diyaar u ahayn ka qeyb galka shirka Caalamiga ah ee Higsiga Cusub ee 2016.

Shirkaan ayaa sidoo kale horay waxaa u qaadacay Maamulka Puntland iyadoona aan la ogeyn hanaanka u qabsamayo shirka maadaama labadaasi Maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay muhiim u yihiin.

Dhinaca kale Mudanayaashaan ka tirsan Golaha Wakiilada Maamulka KMG ah ee jubba ayaa tibaaxay in la diyaariyay dastuurka Maamulkaas oo diyaarintiisa ay ka qeyb qaateen khubaro heer caalami ah.

Si kastaba Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa dhawaan gaaray Magaalada Kismaayo isagoona ku soo guul dareystay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ku soo qanciyo ka qeyb galka shirka New Deal ee berry lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Next page