Muqdisho: Gaari ku qarxay xaafada Tarabuunka oo dilay labo ruux

Mareeg.com: Qaraxa lagu soo xiray gaari yar ayaa Saaka ka dhacay deegaanka Tarabuunka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 2 ruux oo mid ahaa qofkii gaariga watay.

Goobjooge ku sugan degmada Hodan ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaari kuwa raaxada ah, inkastoo aan si toos ah loo sheegin cida iska lahayd gaariga qaraxa lagu xiray.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa sii looga bartayba qaraxa ka dib goobta soo gaaray waxaana ay sameeyeen baaritaano xoogan oo lagu baadigoobayo cidii ka danbeeysay qaraxa.

Habeenkii Jimcaha ayaa qarax nuucaan wuxuu xaafadda Afarta Jardiino ku haleelay gaari yar oo uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com