Main News


Maamulka G/Banaadir oo ballaariyay Guddi hoosaadyadiisa.


Shir xasaasi ah ayay maanta Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir kuyeesheen xaruntooda iyaga oo kaga hadlay arrimaha Ammaanka ee Gobolka iminka kataagan.

Kulankaasi oo ahaa mid Saxaafadda aanan loo ogoleyn ayaa markii uu soo afjarmay kadib waxaa la hadlay Saxaafadda Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Cariig.

Gudigaasi oo ka koobnaa ilaa 5 gudoomiye degmo oo kala ahaa Gudoomiyayaasha degmooyinka Shangaani, C/casiis, Boondheere, Shibis iyo Kaaraan ayaa  la sheegay in lagu soo kordhiyay maanta saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG kuwaasi oo uu afhayeenku sheegay in ay iska kaashanayaan qaabka loobaahanyahay in lagu fuliyo howlgalada dowladda ay ku doonayso in ay kuwada qabsato Muqdisho.

Kulankani ayaa yimid kadib markii dhowaan dagaallada kasocda magaalada Muqdisho ay sii kordheen iyadoo laga baqdin qabo xaalado dhinaca Ammaanka ah in ay ka dhashaan degmooyinka ay dowladdu gacanta kuheyso.

Ciidamada Dowladda ayaa caado waxaa u ah in mar waliba ay si caadi ah dhibaato ugu geystaan Shacabka rayidka ah iyaga oo illaa iyo hadda aanan ka waantoobin arrintaasi oo dhaca weli kuhaya shacabka ayna ugu badan tahay degmooyinka falkaasi ay ka dhacaan Xamar weyne, Shangani iyo Waaberi.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg