Main News


Aadan Madoobe oo rajo kamuujiyay in Xarunta G/shacabka lagu shiro iyo isaga oo Tur


Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in dhowaan ay aad u rajeynayaan kulanka baarlamaanka in uu ku qabsoomo xarunta Golaha Shacabka oo dayactir xoogan uu kusocdo.

Booqasho uu ku aaday xaruntaasi ayuu sheegay Aadan Madoobe in qeybaha kala duwan ee Golaha shacabka uu yahay mid dhameystiran waxyarna ay u harsan tahay taasi oo ay rajeynayaan in dhowaan si deg deg ah loo dhameystiro.

Gudoomiha barlamaanka ayaa shir jaraa’id xarunta dhexdeeda ugu qabtay saxaafadda, wuxuuna sheegay in dhawaan goluhu ay fadhiyo ku yeelan doonaan xarunta ay dhismihu ka socoto, taas oo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay Barlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu si aad ah ugu mahadceliyay guddiga ku hawlan dayactirka oo uu ku tilmaamay in ay wadaan howl geesinimo iyo waddaninimo leh, ayagoon heli Karin dhamaan kharashaadka iyo taagerada ku haboon dayactirka xarunta.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa markii uu booqashada ku aaday Xaruntasai kadib waxa uu aaday Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde isaga oo halkaasi kaga dhoofay wadanka Turkiga.

Waxa uu sheegay in uu u socdaalayo Wadanka Turkiga uuna ayna ku wehlinayaan Dalxa iyo Mas’uuliyiin kale kadib markii uu martiqaad ka helay Dhigiisa wadanka Turkiga.

Sidoo kale waxa uu xusay in wadanka Turkiga kadib ay aadi doonaan wadanka Spain halkaasi oo uu ka dhici doono shir looga hadlayo arrimo ay kujirto tan Soomaaliya.

Bishani 21-keeda ayuu sheegay dalka in uu dib ugu soo laaban doono laakiin shirarkaasi uu ka qeybgalayo ayuu xusay in ay muhiim u tahay wadaka Soomaaliya.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg