Main News


Rasaas Alshabaab loo waday oo Dowladdu qabatay.


Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xilli dagaallo uu heysto waxa ay sameeyeen hawlgallo ay ku baarayaan gaadiidka dadweynaha oo ay sheegeen in suuragal ay tahay in lagu soo dhex dhuunto.

Hadaba Hawlgalkaasi ayaa waxa ay sheegeen Ciidamada Booliska in ay kusoo qabteen gaari rasaas uu saarnaa loona waday Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Saaka aroortii hore ayaa hawlgal ay ka sameeyeen wadada maka Almukarrama ayaa lagu soo qabtay Gaari Homy ah oo lagu waday rasaas ku jirtay laba jawaan kuwaas oo ladoonayay in la geeyo goobaha ay kusuganyihiin kooxaha dowladda ka soohorjeeda ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Afyenka Ciidadama Baliiska Soomaaliyeed G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadooda maanta baaritaannadii ay hayeen ay ku guuleystaan in gaari raaas ku raran yahay ay gacanta kusoo dhigaan.

Bariise ayaa xusay in marka hore Ciidamada Gaarigan ay ka shakiyeen islamarkaana ay baaritaano ku sameeyeen taas oo keentay in lagu qabto rasaastan oo laba jawaan ku jirta isla markaaana si sharci daro ah loogu gudbinayay kooxaha Dowlada ka soo horjeeda , waxa uuna tilmaamay in baaritaano lagu samaynayo arintan iyo laba nin oo Gaariga waday, waxa uuna intaa ku daray in tallaabo shariga waafaqsan laga qaadi doono dadka lagu qabtay falkan oo si toos ah ugu lug leh arintan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale G/sare C/laahi Xasan Bariise Afhayenka Ciidamda Booliska Soomaaliyed ayaa sheegay in tallaabdan ay qayb ka tahay falalka ammaanka lagu qalqal gelinayo islamarkaana lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg