Main News
Aadan Madoobe oo ka warbixiyay Dhismaha Golaha Shacabka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ay ku wareertay kirada ay ka bixiso qaar kamid ah xafiisyada ay Muqdisho kuleeyihiin ayaa waxaa ay isku hawleen in ay dhisaan dhismeyaashooda.
Hadaba maalmahani dambe waxaa dayactir lagu hayay xaruntii Golaha Shacabka halkaasi oo ladoonayo in Baarlamaanka ay degaan isla markaasina ay ka dhigtaan xaruntooda weyn iyadoo sidoo kale halkaasi laga dhigi doono xafiisyo Mas’uuliyiinta dowladda qaarkood ay degayaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in hawsha ay meel wanaagsan u mareyso isla markaasina iminka ay rajeynayaan hawsha marka ay soo afjaranto in ay si deg deg ah halkaasi uga hawlgalaan.
Waxaa uu ka codsaday in ay gacan ka geystaan dhismaha gurigaan oo uu sheegay in waxbadan uu u qaban doono shacabka Soomaaliyeed iyo golaha Barlamanka dowladda KMG ee Soomaaliya.
Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa wax laga weydiiyay in ay dhismaha gurigaan ay kala hadleen dowladda Talyaaniga oo markii hore dhistay waxaana uu sheegay in ay kala hadleen islamarkaana xaalado amaan darteed aysan u imaan Karin dalka Injineerada Talyaaniga balse ay gacan ka geysan doonaan xaga qarashaadka ku baxaya dhismaya guriga.
Gudoomiyaha Barlamanka ayaa intaasi raaciyay in sidoo kale dowladaha Yurub ay ka heystaan balan qaadyo ku aadan in ay kala qeyb qaadanayaan dhismaha guriga golaha Shacabka oo fadhi u noqon doono Barlamanka KMG ee Soomaaliya.
Dowladdani ayaa waxa ay noqoneysaa haddii ay kuguuleysato dhismaha xarumaheda dowladda keliya ee ka dambeysay siyaad barre ee u istaagtay dib u habeynta guryaha qaranka uu leeyahay.
Rss somali
Rss English