Main News
Dagaallo iyo duqeymo Saqdii dhexe ee xalay ka dhacay W/Muqdisho.
Mareeg.com-Waxaa habeenimadii xalay xilli saq dhexe ay aheyd oo dadka ay wada hurdayeen ayaa waxaa ka dhacay qeybo kamid ah waqooyiga Magaalada Muqdisho dagaallo xoogan.
Dagaalladani oo ay dabasocdeen duqeymo xoogan ayaa ayaa waxa ay ka dhaceen Degmooyinka Shibid, Cabdicasiis iyo qeybo kamid ah Kaaraan halkaasi oo dad badan khasaare uu kasoo gaaray.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay weerar kusoo qaadeen xalay saqdii dhexe isla markaasina ciidamada dowladda ay is difaaceen.
Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday 3-ruux halka 10-kale ay kudhaawacmeen dagaalada iyo duqeymihii xalay muqdisho ka dhacay iyadoo dhibaatada la dareemay xalay ay tahay in aanu jirin xilligaasi cid awooda in dadka ay isbital ka gaarsiiyaan.
Madaafiicda xalay sida ay u dhaceysay iyo marka la eego khasaaraha uu geystay ayaa waxaa uu yahay mid aad u yar oo alle uu ka badbadiyay dhibaatada madafiicdii xalay la is weydaarsaday iyo dagaaladii dhacay.
Kooxaha dowladda kasoo horjeeda ayaa maalmahani dambe waxa ay qorshohooda kusoo biiriyeen in ay dagaalamaan oo ay weerarka soo qaadaan xilli habeen saq dhexe ah maadaama ay rumeysan yihiin in Ciidamada dowladda xilligaasi qaad iyaga oo ka dhergay ay iska seexanayaan awoodna aanu u laheyn in ay dagaalamaan.
Rss somali
Rss English