Main News


Saraakiishii Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ee Ceerbarde gaaray oo xalay kulmay.


Wararka inaga soo gaaraya degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saraakiishii Itoobiyaanka ee shalay halkaasi gaaray isla markaasina soo galbiyay ciidamo Soomaali ah ayaa xalay halkaasi kulan qarsoodi ay kuyeeshay.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ay ka tashanayeen halka ay kala degi lahaayeen iyo haddii ay u baahan yihiin ciidanka Itoobiyaanka inay sii joogaan Ceelbarde ama ay ka maarmaan.

Saraakiisha Soomaalida ah ayaa lasheegayaa in kuwa Itoobiyaanka ay ku wargeliyeen in dhowaan weerar ay qaadi doonaan xilligaasina ay u yeeran doonaan marka ay u baahdaan laakiin iminka ay dib isaga laabtaan wadankooda.

Ciidamada Itoobiya ayaa iyagu lasoo sheegayaa weli diyaar in ay u yihiin Soomaaliya in ay hawlgallo ka sameeyaan isla markaasina ay la shaqeeyaan kuwa Dowladda federaalka.

Itoobiya ayaa u aragta in ay garab siiso Ciidamada dowladda dan weyn haddii ay iska dhaafto arrintaasina waxa ay baqdin weyn ka qabtaa in wadankeeda ay ugu galaan Koox kamid ah Alshabaab oo ka kiciya halkaasi fawdo.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg