Main News


Duqeymo dhimasho iyo dhaawac sababay oo Muqdisho ka dhacay.


Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay duqeymo aad u xoogan xilli salaaddii duhurka laga soo baxay kaasi oo lala beegsaday degmooyinka Wardhiigleey,Yaaqshiid iyo Boondheere.

Duqeymahani oo aanan la ogeyn sababta uu ku bilowday maadaama aanu jirin wax dagaal ah oo muqdisho ka dhacay ayaa waxaa si gaar ah duqeyntaasi loola beegsaday degmada Boondheere.

Inta la ogyahay 5-ruux ayaa ku geeriyootay degmada Boondheere kadib markii madaafiicda ay ugu aadeen goobo ay kusugnaayeen, waxaa sidoo kale duqeymaha ay kudhaceen Yaaqshiid iyo Wardhiigleey iyadoo madaafiicda qaar aanu waxba geysan.

Warar kale ayaa sheegaya in dhaawacyo ay jiraan, waxaana isku dar ahaan ku dhaawacmay duhurnimadani duqeynta dhacday illaa 10-ruux iyadoo gaadiidka gurmadka deg degga ay sheegeen in ay qaadeen 7-ruux oo dhaawac ah.

Duqeymahani ayaa waxaa markii uu bilowday si weyn loo kala cararay Suuqa Bakaaraha iyadoo laga cabsi qabay in duqeyntaasi Bakaaro loosoo weeciyo.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg