Main News
Ciidamo Itoobiyaan ah oo galbinaya kuwa Soomaali ah oo Bakool soo gaaray.
Wararka inaga soo gaaraya degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay soo gaareen ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadani Itoobiyaanka ay yihiin keliya kuwa keenayay magaalada Ciidamo kale oo katirsan dowladda federaalka oo wadanka Itoobiya lagu soo tababaray.
Dadka deegaanka sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamada Itoobiyaanka aysan u muuqan kuwa fariisimo sameysanaya lakiin ay u muuqdaan in ay ka laabanayaan deegaanka.
Ciidamo aad u fara badan oo Soomaali ah ayaa lasoo sheegayaa in Ceelbarde ay geeyeen kuwaasi oo ladoonayo in qeyb ay ka noqdaan hawlgallada dowladda federaalka ay u qaban qaabineyso gobolada dalka in ay ku qaado ugana hortagto kooxaha dowladda kasoo horjeeda.
Dowladda federaalka ayaa maalmahani kujirta qaban qaabo kii ugu xooganaa oo ku aadan weerar wada jir ah in ay ku qaado guud ahaan deegaannada ay kusugan yihiin iyaga iyo kooxaha mucaaradka ku ah ee dowladnimada diidan kana soo horjeeda.
Rss somali
Rss English