Main News


Booliska TFG oo ka warbixiyay hawlgaladii dhowaan.


Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka warbixiyay hawlgallo maalmihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada dabka gaar ahaan Makka Al-mukarama.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay arrintaasi isaga oo sheegay in hawlgalkaasi ay kusoo qab qabteen hub fara badan iyo dadkii sitay hubkaasi.

Laakiin Bariise ma uusan cayimin tirada ay la egyihiin dadka ay qabteen oo sitay hub sharci daro ah iyo qalab Ciidan isagoona sheegay hubkii lagu qabtay dadkaasi in lagu wareejiyay Ciidamada dowladda, waxaana uu sheegay in dadkii ay soo qabqabteen Ciidamada la soo taagi doono Maxkamada sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Booliska ee dowladda KMG Soomaaliya Gaashanle sare C/llaahi Xasan Bariise waxa uu baaq u jeediyay Darawalada Gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa BL-ka ah kaasi oo ku aadan in ay ka foojignaadaan waxyaabaha ay saarayaan gaadiidkooda ee falalka amni daro loo adeegsan karo.

Wadada dabka ayaa waxa uu yahay iminka wadada keliya ee ugu ballaaran oo gaadiidka u kala goosha muqdisho ay sida aadka u isticmaalaan taasi oo keentay in lagu qabto dad fara badan oo hubkaasi sita.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg