Main News
Dowladda federaalka oo ciidamo horleh diyaar gareysay.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay qorsheyneysaa ciidamo in ay kudaadiso magaalada Muqdisho iyadoo qorsheyneysa weerar in ay ku qaado kooxaha kasoo horjeeda.
Ciidamo aad u fara badan oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu daadiyay guud ahaan halkii ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyaadka aan tababarka laheyn ee dowladda u dagaalami jiray.
Waqooyiga Muqdisho, Warshaddii Kabka, inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo fariisimo kale oo dhowr ah ayaa ciidamadaasi cusub lagu daadiyay kuwaasi oo lasheegay in lagu doonayo weeraro kala duwan in ay ku qaadaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.
Muqdisho ayaa sidaasi waxa ay ku noqoneysaa mid iminka fool u ah in ay dhasho dagaal weji cusub ah iyadoo shaki la’aan ay tahay in ay ciidamada Amisom ay ka qeyb qaadanayaan mar haddii uu bilowdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda.
Dhinaca kale Xisbul Islam iyo Alshabaab ayaa iyaguna Gobolada dalka ka keenay ciidamo fara badan si ay uga qeyb qaataan dagaallada la filayo in muqdisho ay ka qarxan, waxaana arrintaasi fursad ay u noqoneysaa Ahlu Sunna oo iminka is gaad gaad aan caadi aheyn kuhaya Ururada Alshabaab iyo Xisbul Islam.
Rss somali
Rss English