Main News
Qeylow iyo Caruus oo ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee Muqdisho kasocda.
Afhayeenka dhinaca hawlgallada ee Ururka Xisbul Islam Maxamed Cusmaan Caruus ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka ay maalmahani ka bilaabeen qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.
Waxa uu xusay in weerar waliba oo ay soo qaadaan ciidamada dowladda ay diyaar u yihiin iska caabintooda isla markaasina ay diyaar u yihiin in ay iska dhiciyaan oo ay waliba dagaal aanan horey loo arag oo wata qorsheyaal cusub ay lasoo bixi doonaan.
“Waan iska dhicineynaa kuwa cusub, Jabuutina ciidan qasa baan u diri doonnaa” ayuu yiri Caruus oo intaasi ku daray Jabuuti in ay keentay dalka Soomaaliya dhalinyaro ay wadankeeda kusoo tababartay si ay ula dagaalamaan wax uu kusheegay Mujahidiinta.
Shacabka Jabuuti ayuu sheegay in ay walaalo yihiin laakiin dowladoodu ay dhibaato ku heyso taasina ay sababeyso in ciidamo ay u diraan jabuuti si dhibkaasi lagu hayo shacabka reer Jabuuti looga dul qaado sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Maxamed Qeylow ayaa isaguna ka hadlay arrintani isaga oo ku tilmaamay in hadalkani uu ka keenayo Xisbul Islam cabsi iyo kalsooni xumo soo wajahday.
Qeylow waxa uu sheegay in waxa kasoo yeeriyay warka xilligani Xisbul Islam uu yahay ugu horeyn absi soo wajahday Xisbigaasi maadaama ay ka dhamaatay kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed ay markii hore u hayeen ee qasabka ahaa.
“Xisbul Islam waxay u baqayaan kalsoonidii shacabka oo ka luntay” ayuu yiri C/risaaq qeylow Afhayeenka Wasaaradda warfaafinta oo sheegay in xilligani aysan habooneyn inay hadlaan Xisbul Islam maadaama ay noqdeenkuwa kala fur furmay oo waqtigooda uu sii dhacayo ahna kuwa hoos jooge u ah Alshabaab.
Sidoo kale C/risaaq Qeylow waxa uu sheegay in xilligani kooxaha dowladda kasoo horjeeda oo dhan ay ka baqayaan Shacabka Soomaaliyeed oo adkeysigii iyo sabarka uu ka dhamaaday isla maraasina diyaar u ah in cadowga ay iska dul qaadaan.
Rss somali
Rss English