Main News


Sannadka 2009 iyo Soomaaliya oo noqtey dalkii ugu qasaaraha badnaa ee suxufiyiinta


Mareeg.com-Laga soo bilaabo 1-dii bishii jenuary ee sanadkii tagey 2009-ka waxaa dalka Soomaaliya ka jirey dhibaatooyin fara badan oo ay wajahayeen suxufiyiinta kala duwan ee Soomaaliyeed ee ka shaqeeya qeeybaha kala duwan ee saxaafadda sida:- telefeshinada, idaacadaha, wargeysyada, websiyada iyo dhamaan qeeybaha kal duwan ee saxaafaadda Soomaaliya.

Iyadoo markii horaba ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wixii ka horeeyey sanadka 2009 ka la kulmayeen dhibaatooyin kala duwan ayaa hadana sanadkii tagey waxaa siyaadey dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahaayeen dagaalada kuwaasoo marba marka kadambeysa sii kordhinayey dhibaatiin ay kamid ahaayeen dilal, xarig, handadaad iyo xoriyad la’aan si joogto ah ay ula kulmeysey saxaafada.

Dalka Soomaaliya suxufiinta ku geeritootey ee naftooda ku waayey sanadka 2009 –ka waxa ay gaarayeen ilaa sagaal wariye oo ka kala tirsanaa qeybaha kala duwan ee saxaafadda sida agaasimayaal, reportaro, filim qaadayaal iyo kuwa kale oo dhamaantood ku lug lahaa field-dhiga saxaafadda.

bishii january ee sanadka 2009 oo ahayd markii ugu horeeysey oo saxafi Soomaaliyeed ku geeriyoodo gudaha wadanka Soomaaliya ayaa is rasaaseyn ka dhacdey inta u dhexeysa magaalada Muqdish iyo Afgooye waxaa natiisa ku waayey wariyihii idaacadda Shabelle ugu soo warami jirey gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan magaalada Afgooye Wariye Xassan Mayow Xassan oo ahaa reporter.

Intaa wixii ka dambeeyey waxaa dalka siyaabo kala duwan ugu geeriyoodey oo naftooda ku waayey suxufiyiin farabadan oo Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa agaasimihii idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik Siciid Tahliil Axmed, agaasimihii idaacadda iyo TV-ga Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe, Wariyihii idaacadda Shabelle C/risaaq Warsame Maxamed “Gaataco” oo dhamaantood ku geeriyoodey Muqdisho iyo suxufiyiin kaloo ay u dambeeyeen Camarymankii TV-afka Carabiga ku hadla ee Al-carabiya horane ugu mid ahaa shaqaalaha idaacadda Shabelle oo lagu magaacaabi jirey Xassan Subeyr Xaji oo lagu naynaasi jirey (Fantastic) iyo wariyihii idaacadda Shabelle Maxamed Amiin Aden Cabdulle oo labadua ku geeriyooday qarixii bishii ugu dambeysey 3-dii bishii December ee 2009 ka dhacay hotelka Shamo ee magaalagaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya xilli ay munaasabad qalin jebin ah ay halkaasi uga socotey arday waxbarashadooba ku dhameystey jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdishu.

Suxufiyiintii kudhaawacantey dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacay dalka Soomaaliya sanadka 2009 ka waxaa ka mid ahaa Axmed Cumar Haashi (Axmed Taajir) oo ka tirsanaa maamulka idaacadda Shabelle, Cumar faaruuq, oo isna u shaqeynayey wakaaladda wararka Reuters, Maxamed Aweys Mudey ( boqorka bartamaha) oo ka tirsanaa idaacadda Soomaliweyn iyo dhowr suxufiyiin kale intooda badan kuwada dhaawacmey qaraxii hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho waxaase ugu dambeeyey suxufiyiintii sanadka 2009ka ku dhaawacantey dalka Soomaaliya agaasimhii idaacadda VOD Xamar Cabdiraxmaan Yaasiin oo ku dhaawacmey daarta ay idaacadaasi ka degantahay magaalada Muqdishu ka dib markii saddex madfac oo is xig xiga ay marqura ay kuwada dheceen xarunta idaacadaasi oo sidoo kale ku nafwaydey xaaskii agaasimihii idaacadaasi halka dhowr kale oo suxufiyiinta idaacadaasi ka mid ahna ay isla goobtaasi ku dhaawacmeen.

Inkestoo aan lasoo koobi Karin dhibaatooyinka kal duwan ee ay lasoo kulmeen suxufiyiinta Soomaaliyeed sanadka 2009ka ayaa hadana waxaa xusid mudan in suxuufiyiin fara badan ay sanadkan lasoo kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jirey dil, xarig iyo hanjabaad ay kala kulmi jireen dhinacyada iska soo horjeeda iyo sidoo kale mushaar la’aan ay wariyeyaashu kala kulmi jireen milkiilayaasha iyo madaxda stationada saxaafadda ee ay wariyayaashu ka halw galaan taasoa iyana qeyb ka ahayd xadgudubyada ka dhanka ah ee loo geysto suxufiiyiinta Soomaaliyeed.

Inkestoo wadanka Soomaaliya ay dhibaatooyinkii ugu ba’anaa ee saamyeeyey dadka iyo duunyadaba uu ahaa kan dagaalada ayaa marka laga hadlayo suxufiyiinta Soomaliyeed waxaa ay ahaayeen kuwii ugu nasiibka xumaa ee Qaaradda Africa Sanadka 2009ka waxaana dhibaatooyinkaasi intooda badana dhaliyey dagaalada ka socdey dalka Soomaaliya oo sababay qaar ka mid suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka cararaan oo ay isaga hayaamaan wadankooda hooyo iyaga oo maciin bidey in ay wajahaan wadamo kale oo shisheeye iyaga oo aan wax talo iyo tusaaleba ahna yan fara kuhayn dowlad u talisaana jirin halka tiro kaloo fara badana ay ku adkeysteen in ay dhiisha gunta isaga dhigaan oo ay ku shaqeeyaan xaaladda adag ee murugsan ee ka jirta dalka Soomaaliya xilligan la joogo.

Sikestaba ha ahaatee tiro koob iyo baaritaano muddo dheer qaatey oo ay Sameeyeen suxufiyiinta caalamka ayaa waxaa qalinka ay ku aaseen in dalka Soomaaliya uu noqdey dalkii ugu qasaaraha badnaa ee xuxufiyiinta qaarad weynta Africa iyaga oo gebi ahaanba isaga gaabsadey in ay saadaal xitaa ka bixiyaan waxa uu noqono sanadka cusub ee 2010 ka.

Prepared by: Hassan Osman Abdi ‘Fantastic’

For more send your comments to hasanfantastic@gmail.com

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg