Main News


Qurbo waa Qaran Dumis ?:aragtida dadweynaha


Qurbo waa Qaran dumis. waxaa suuragal ah in la is waydiyo side buu Qurbaha Qaran u
dumiyaa?  Qormadaan gaaban waxaan ku soo gudbin doonaa xog ku salaysan xaqiiqo iyo
cadaymo aniga ku arkay Qurbaha. Waa wax marka aad aragto ama aad maqasho iska
fududaysato balse marka aad u dhuunduleesho kuu muuqanayso in ay yeelan doonaan raad
xun oo aafeeya jiilal cusub oo wali aan dhalan.

Marka hore aan iswaydino waaa maxay Qaran? Dabcan qaran waa wadan leh astaan u gaar
ah kana duwan wadamada kale ee Aduunka; Astaantaas waa mida ka dhigta wadan Hibil.
Ummad hal qaran ah sidoo kale waxay wadaagaan astaamo iyaga u gaar ah; sida
Dabeecad, Dulqaad, Anshaxa, Diin iyo Dhaqan.

Hadaba marka aad joogto dhulkaaga hooyo qodobadaas aan kor ku soo xusay kuu muuqan
maayaaan balse marka aad dibadda uga soo baxado wadankaaga, waxaa hubaal ah in aad
wajahayso ama aad arkayso waxa dhab ahaan uu yahay Qaran. Waxaa sidoo kale la
kulmaysaa dabeecado kaa fejiciya, kuwo amakaaga kugu rida, kuwo kaa naxiya, kuwo
waayo-aragnimo kuu soo jiida, kuwo …kuwo…. Tiro ma leh.

Qurbaha waxaan ku arkay isnacayb Somalida dhexdeeda, iska warqab la’an, Shaki badan
iyo Qabyaalad.

Waxayaalaha naxdinta leh waxaa ka mid ah Wiil dhigta Jaamacad oo 4-Maalmood ku jiray
gurigiisa isagoo mayd ah oo qadartii Alle qabsatay. Markii  dariska u adkaysan
waayay urka guriga una  dacwooday Police-ka lagu arkay  wiil goor hore dhintay
isagoo xiran dharkiisa ka dibna soo ogaysiyay Jaamacadii uu dhiganayay sidaana ay ku
ogaatay Soomaalida. Nasiib wanaag waa loo wada gurmaday oo si wada jir ah ayaa loo
aasay.

Soomalida dabeecadaha u gaarka ah waxa ka mid ah in Gabdhahooda ay yihiin kuwo
Xishood badan, Asluub badan, hadal yar kana xishooda xitaa mararka qaar in ay
salaamaan ragooda qaraabada yihiin. Balse maxaa lugula kulmay Qurbaha gaaar ahaan
Gabdhaha Soomaaliyeed?

Gabadhii xishoodka badnayd waxay isku bedeshay mid dharkii xitaa tuurta iyadoo la
isticmaalayo kalamooyin cusub sida:  Naa hee dheh Diracaan iga baandheey! Tii
asluubta badnayd waxay isku bedeshay mid waji Gabaxnimo kula agmarta, tii hadalka
yaraydna waxay isku bedeshay mid laga caa’udi bilaysto. Intaa waxaa sii dheer wax
walba waxaa laga dhigtay Caado iyadoo tixgilin la siinaynin Diinta iyo Dhaqanka
Suuban. Jawaabna waxay kaaga dhigayaan “waa iska caadi Aboowe” cid xoog igu leh ma
jirto. Meeshaan qurbo aa la yiraahaa! iyo hadalo la mid ah!

Waa run xoog in la isku maquuniyo xaqiiqdii maba jirto lakis in Diinta Islaamka iyo
dhaqankii suubanaa laga suulo ma ahan!.


Gabdhaha Soomaalida waxaa aad ugu yaxyixi jireen in Guri ay joogaan wax laga waayo.
Sida; Dahab, Lacag, Qalin, Barfuun, Dhar iyo wixii kaloo la halmaala. Balse mantay
sharf iyo magaca  waxay ka dhigteen sidii wax la isu daba marin laha la isuguna hor
keeni lahaa labo gabdhood oo saaxibo ah. Waxaad maqlaysaa Hiblaayo Ilbax ma ahan
waayo waa daacad; Hiblaayana waa Ilbaxad oo dhagarta iyo isdaba mariska ayay ku
dheeraysaa ee u tag hiblaayadaas. Waxay ku raacinayaan Sxb meesha aad joogto sida
looga dhaqmo ayaa loo dhaqmaa. Bal fiiri meesha sharafta gashay iyo sida Qurba
jooogta Soomaaliyeed isu rogtay!!

Hadii ummada aad la joogto ay yihiin wada khaa’imiin ma khaa’in baad noqonaysaa?

Wiilbaa wuxuu igu yiri isla markii aan ku soo degay Airoport-ka wadanka aan joogo,
Saaxib meeshan Qurbo ayaa la yirahdaa Qabiil baa lugu bartaa ee Saxiib Qabiilkaaga
raadso.! Waa wiil aan saaxibo iyo deris ku ahaan jirnay Dhulkii hooyo nafta keliya
inoo dhaxaysay. Jawaabtii shalay iyo tan manta waa kaaf iyo kala dheeri!

Dabeecadahaan oo kale waxay u keenayaan wadanka in laga waayo Muwaadiniin wadaniyiin
ah, Daacad u ah Dalkooda, Anashax laawayaal ah, Qabiilestayaal ah, Khaa’imiin ah.
Sidaana lugu waayo Qaranimo Soomaaliyeed!.

In la soo Hajiro oo la barto Cilmi, Dhaqamo kale, Afaf kale waxay maxsuul u tahay in
wadankaaga hormar u soo jiido. Wadamo badan oo sidaa ku hormaray ayaa jira oo manta
aan la tiigsan Karin, balse waxaa naxdin ah marka qofkii soo haajiray in uu waxbarto
iska daayee ay ka lunto Asluubtii uu kula yimid dhulkii Hooyo!. Waa arin mugeeda
leh.

Imaanshaha Qurbaha waa in ay kuu kordhiso waxa faa’ido u ah Adiga, Dalkaaga,
Ummadaada ee ma ahan in loo yimaado sidii Qarankii loo dumin lahaa. Qurbo joognimada
aan u isticmaalno Qaran Dhisid; kuna dagaallano waxyaalaha Qaran Dumisnimada keena.

sabriye04@live.com

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg