Main News


Xisbiga Midnimada Mudug iyo Baaq Nabadeed Dagaalka ka socda Moqdisho


Aniga oo ku hadlaya afka shacabweynaha Galmudug iyo Somalida inta nabada jecel ,
waxaan baaq nabadeed u soo jeedinayaa shacabkaa walaalaha ah , ee islaamka ah, ee
soomaalida ah , ee dhiigoodu sida micna darada ah ku daadanayo in ay si shuruud
la'aan ah u joojiyaan dagaalka.
Walaalayaal dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho , waxaan ilaahay ka
rajaynayaa , kana baryayaa in dagaalkaas uu qaboobo , hadaanu nahay shacabka reer
Galmudug, aad baanu uga xunahay dagaalkaas micna darada ah, Ilaahay u noqda , is
cafiya , ka shaqeeya wanaag iyo nabad , wada dhalashadiinana ha ilaawina.
Moqdisho, waa xuduntii wadanka , in maanta meel Somaliya ka mida lagu dagaalamo waa
khalad ,barakac iyo qax caruurtiina ha u horseedina , maanta waxaa lagu tartamayaa
waa wanaaga , wakhtigii xumaanta iyo dagaalku xiisaha lahaa waa dhamaaday 19 sano
noogu filan Cashar dhibaata ah .
Islaanimadu waa qaali , Diinteenaa na faraysa in qofkii qof dilaa la dilo , laakiin
qof aan waxba galabsan iyo mushtamac dhan in ay shakhsi wuxuu gaystay isu baa'bi
iyaan waa khalad. Caqligu ha shaqeeyo caadifada dagaalkuna ha dhamaato.
waxaan ka codsanayaa inta ay khusayso oo wax ka qaban karta kala dhex galida dadka
walaalaha ah in aysan wakhti intaa ka badan la sugine ay goobta dhibaatadu kajirto
tagaan kalana dhex galaan, Qaboojiyaana dagaalka.

Wabilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Mudug
Dr. Awes Ghelle

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg