Main News


LAX DHUKANI ABAAR MOOG-Dowrka Dumarka soomaalida- 22April09


Walaalayaal Soomaaliyeed waa idin salaamay; ayaamahan war ayaa igu jiray aan ka meermeeraysanaayay runtiina aan garan la’aay saan u abbaro.

Had iyo jeer waxaan jeclahay in qormooyinkayga ay noqdaan kuwo wax dhisa oo aysan noqon kuwa dad dhiba oo nafta dadka kallifa, ma jecli in ay

Noqdaan kuwo ku salaysan qabiil maxaayeelay in soomaalinmo wax iiga

Horreeya oona ig dambeeya in aysan jirin ayaa laygu soo barbaariyay waa

Na Ilaah mahaddiis. Ishii wax xun aragtooy waxna aan ka qaban iska dhac ayaa la yiri, sidoo kale dhegtii wax xun maqashooy iska dhac. Waxaan

Akhristayaashayda qaali ah u sheegayaa in qormadaydani aanna duullaan cidna ku ahayn waliba waxaan ku han waynahay in Ummadda badanaa igu

Ayidi doonto. Haddaba waxaan ka xanaaqay oo aan u arkay dulmi la dulmi

Nayo Haweenka qurbajoogta ah oo laga fidinaayo had iyo jeer dacaayado ra

Qiis ah misana wixii war inta soo dhaafay suugaan la gelinayo oo lagu heesa

Yo caydooda iyo in laga sheego wax aan bannaanayn. Ummadda Ilaahay waa badan tahay dadka kulligiisna ma wada fiicna oo duudka lama wada saran karo laakin anigoo u hadlaaya Ilaahay dartiis waxaan idin ogeysiina

Yaa in dumarka soomaaliyeed ay yihiin dajireyaal; ha joogaan gudaha iyo

Dibedda ha halyeeyayaal u maqan dalkooda iyo dadkooda. Haddii aan ka hadlo kuwa gudaha Dalka jooga waxay u heellan yihiin in ay daryeelaan

Ubadkii oo u raadiyaan quud maalmeedkii, waxay kallahaan subaxdii mi

Walbana waxaay soo hoyataa ayadoo soo dhicisay nolol maalmeedkii

Qoyskeeda. Waa la ogyahay raggii waxay noqdeen badankooda kuwa

Mihnad lahayn oo xitaa haddii wax ay qaban lahayeen aan haysan wax u

Qalma ay qabtaan ama waaba ka xishoonayaan shaqooyinka qaarkood.

Raggii waxay ku hawlan yihiin dagaal waa kuwa uu dalkaka dagi waayay

Oo qasbay kumanaan qoys in aay qaxooti door bidaan oo la soo cararay

Caruurtii.. Maanta ayaan webkka ka dhegeysanaayay gabdho soomaaliyeed oo u tagay kuna barortay raggii isku sheegayay islamiyiinta oo dagaal isku hor fadhya oo ay baryaayaan ayagoo illinta ka dureerta, waxaan maqlaayay

" Walaalayaaloow dagaalka naga daaya, walaalayaaloow ha na dilina, walayaaloow ha is dilina walaalayaaloow isu naha isu naxariista, nin doorka ha iska dilina!" iyo wax la mid ah. Caloosha ayaa I gaddoontay asaan anigoo

Gurigeyga jooga la ooyay. Gabhaha waxay Ilaah ka soke magan san yihiin Ragga waxaana waajib ah in la dhawro la sharfo la dilin la qqaxin waa we

Hel waa warshadda aadmiga waa naxariis Ilaahay ragga ugu deeqay; waxaa

Waajib ku ah raggaasi dagaallamaaya oo is diiddan oo burburiyay dalkii

Maalin kastana geedkoodi ku xiran waa in ay maqlaan gabdhaha walaalahood ah oo ku barooranaya korkoodana layku dilaayay sanooyin fara badan. Gabadha maanta soomaaliya joogta waxay mudan tahay in

La maqlo laga qaato nabadda ay sidaan waa in loo oggolaadaa in ay guri

Geeda nabad ku hesho, waa in ay ilmaheeda ugu adeegan karto nabad; waxaa dilay naxdin qalbiga waa madow yahay ee inta Ilaah laga cabsado

Ragoow nabadda qaado.

Haddaan u soo daadago nuxurka maqaalkayga oo ah " LAX DHUKANI ABAAR MOOG", waxa ay ku saabsan tahay dacaayadda raqiiska ah oo

Kuwo ( al xamdulillaah aan badnayn ) faafinayaan oo ku saabsan Haween

Ka qurbajoogta ah. Waxaana iiga sii daran nin hees ku baxshay iyo koo

Ku heesayay. Wuxuu yiri " ILMAHAAD DHASHAY AABBAHOOD AHEE ASKAR HA IIGU WICIN.!, ma ku sii soconnayo intaas ayaaba

Dhegtii maqasho ay dhib ku qabtaa. Warka waa iska cad yahay waa gabar

Joogta qurbaha oo ninkeedii ugu wacday askar. Nin iyo haweentiisa waa

Labo qof oo is qaba oo is doortay oggolaaday in ay nolol wadaagaan ayatiin

Na wada dhistaan. Waa dhacdaa in naag ay u yeerto askar markii la gaaro

Qaabo quuseeyni oo fandhaal iyo xeero kala dhacaan. Waxaa la joogaa wad

Dan sharci ka jira haddii askar la wacana ayadoo laga roon yahay askarta

Waa sharci maadaama meeshaasi joogin ehel ama waalid ama odayaal

Labada qof maslaxeeya. Waxaan maalin kasto jaraa’idka dadis qaba oo nafta

Is ka jaray, Runtii arrimahan heesta laga bixiyay waa wax aad ugu yar bul

Shadeenna waxaana ka xumahay in hesta ah askar ha iigu wicin ay noqotay

Mid loo nisbeeyo guud ahaan haweenka qurbo joogta ah.

Waxaan hore idinkaga warramay kaalinka gabadha soomaaliyeed ee Dalka

Gudihiisa ku nool haddaba aan wax idinkaga sheego gabadha Soomaaliyeed

Ee ku nool Yurub, Canada, America iyo Australia. Waa muddo cagacageynayso labaatameeyo sano ku dhowaad markii dawladdii dhexe burburtay dalkiina uu noqday mid nolol iyo naxariis laga waayay oo dagaal

Sokeeye megan u noqday. Arrinkaasi waxay kallifeen in kumanaan qoys ay

Qaxooti ku yihiin dalalka aan soo sheegay. Waxaa lagala kulmay dalakan

Nolol adag, cimilo adag iyo dadkii oo ay ku adkaatay in ay la qabsadaan.

Gabadha Soomaaliyeed oo caruur wadatay ama inta ku dhashay waxay u guntatay in ay nolol raadiso oo u shaqayso caruurteeda, subaxdii hore aroor

Tii toosto caruurta diyaariso skoolkii geyso, aaddo meeshii ay ka heli lahayd

Masaariifta ilmaheeda, haddana galabnimadii skuulka ka keento dabbarto

Reerka, ku cadaadiso in ay ka shaqeeyaan hawshii loo soo diray ee skuulka

Misana wakhtiyada fasaxa geyso dugsiyada kuraanka laga barto. Qurbaha

Waxaa la maqlay wax shab la yiraahdo ama ceyr siday qof walibo u yaqaan

Waxaa loo haystaa in Dawladda loo marti yahay ay lacag kugu dhoobayso. Saas maaha! Dawladda hal sano ayeey ku masruufaysaa inta aad Dalka la

Qabsanayso Skuul ayeey lacag la’aan kuugu yaboohaysaa in aan luqadda Dalkasii ka barato kaddibna waa ska celi magaalada. Waxaa xusid mudan dalkan aan joogto ragga wax mihnad ah oo ay hayaan ma jirto kii looyar ahaa, kii dhakhtar ahaa , injineer macallin waaxay ka badin waayeen in ay

Noqdaan taxileey oo shahaado aan Canada laga qaadan waa qashin oo kale.

Haddaba nolosha qoyska waxaa badanaa ay ku dhisan tahay haweenka oo garab cara raggooda si ay ugu helaan nolol ilmahooda waxaase run ahaantii nolosha, barbaarinta iyo dhaqaalaynta qoyska kaalin mug ah ka qaadata hooyada. Marwada iyo saygeeda waa ul iyo diirkeed isku ujeeddo iyo isku mabda’a ah walibo aabbaha inta badan waa ka maqan yahay guriga sidaas ayeey hooyada uga digtoon tahay in wiilkeeda iyo gabadheeda ka ilaaliso dhaqanxumada jirta . Gabadha Soomaaliyeed ee qurbo joogta ah waa daljire run ah oo halgan ugu jirto in berrito haddii waddankii loo noqdo ay ula noqoto kaalin la og yahay maxaayeelay waxay ula noqonaysaa dhalin wax baratay oo dhinac walbo aqoon ka xaqab tiri karto Dalkii hooyo misana lagu soo barbaarshay ayaqoo joogo arli gaalo caqiidada Diinteenna Sharafta Badan, misana waxaa u dheer in ayna hilmaamin dadkeedii ku haraydalkii waalid iyo ehel waana marag ma doonto gabadha qurbojoogtada ahi in ay kaligeey rootiga ay cunin oo qayb ugu dirto dadkii joogay dalkii oo wax haysan. Haddaba ninka baxshay ASKAR HA IIGU WICI, HA I BURININ !

Waa dulmiloow ka been sheegay Haweenka. Waa Kan halganka nolosha aan

Qaybtiisa ka qaadanayn, kaan shaqaysanay , kan jaad toban beri jid ku soo jiray boqol oollar in uu soo gato rabo oo u dagaallamaamayo waaye

Kan askariga loo wacayo oo leh " ASKAR HA IIGU WICIN". Nin wanaag

San oo Ilaahay kuu calfay oo baarri ah oo danta kula sidee askari loogu wici wuxuu mudan yahay duco iyo ammaan. Dalkii dhib ayaa ka jira ,

Xaaladda meel xun ayeey maraysaa ma garayo in uu is waydiiyo maxaad

Qabataa maxaa tartaa, dib u noqo ee dalkii walbo wax ka tar waaba " LAX

DHUKAN ABAAR MOOG" cindigiisa ma dhaafsiisna afartaas erey.

Mar labaad cid ay toos u khusayso ma leh qormadan waa qaddiyad guud oo naga wada dhaxayso Ummaddana ugu sheegayo xaqiiqada Suugaanleydana

Ugu digayo in ereyo xun oo dhega dhibaayo soo bandhigin.

WA BILLAAHI TOW

Waxaa qortay

Faduma Axmed Maxamuud Cadde

( Qoorwayne )

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg