Main News
Hogaamiye Xasan Dahir oo xaqiijiyay inuu ka baxay Eretria
Hogaamiye diimeedka Sheekh Xasan Dahir Aweys ee hogaamiya garabka Isbaheysiga dib u xoreynta Asmara ayaa xaqiijiyay inuu ka baxay Dalka Eretria sababo uu ka gaabsaday faahfaahintooda.
" Dowladda Eretria xabsi guri uguma jirin ee waxaan xabsi guri ugu jiray qoladda Mareykanka ee liiska argagixisada i gelisay,waana sababta dhoowr jeer socdaalo aan ku doonayay inaan Somalia ku tago la iigu diiday,hada waxaan joogaa meel nabadda"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo la soo xiriiray Waagacusub.
Gudoomiye Xasan Dahir wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo wararka sheegayo inuu ku biirayo dowladda Shariif Sheekh Ahmed hogaamiyo.
" Waxaan idiin soo wacay inaan idiin sheego inaana ka baxsan Eretria,uguna jirin xabsi guri oo iyagoon i ogeeyn ka soo baxsan dalkooda laakiin xaalad amaan inaan safar dhinaca lugtaa ku soo baxay waa run"ayuu yiri xasan Dahir oo dhinaca kale ka gaabsaday inuu sheego meesha uu hada jooga.
Sarkaalka ugu sareeya nabadsugida ee lagu magacaabo Cabdow ayaa Waagacusub Media u sheegay inaysan dowladooda ka warqabin safarka uu hogaamiye Aweys uga baxay dalkooda xigasho wagacusub Rss somali
Rss English