Main News
MAQAAL: Ayay u dantahay jiritaanka Somaliland iyo dumisteeduba. By- Oday Suleymaan
Dunidani maskax ayay magan u tahay ee qabyaalad iyo anigoo wax duminkara duca qaadan
maayee magan uma aha ninkani sawaaxiliga ah ee Obama tola ,ayey ma odhan marku
dunida qabsanaayay ee wuxuu yiri ayaa garaadaay garaadkiina wuu u hiiliyay
sidaabuuna madaweynaha maraykan ku noqday
Hadaba soomaliland ma runbaa ma riyaa ma isirbaa ma waxa la gaadhi wayay sidii
dhalan haabaabista ee lo yaqaano ictirfkaa ayay dan u tahay haday dumayso iyo haday
dhis- maysaba Anigu waan yaabanahay waxaan la yaabanahay, Siyaasiyiinta iyo
siyaasada soomaliland waxaan la yaabanahay Bahashan Rayaaleysan ee ilaahay ka soo
jeediyay Gobolada galbeed ee u jeediyay Hargeisa iyo wixii ka shisheeya haday dawlad
lahayd, haday hay'ad lahayd haday duunyo lahayd haday daaro lahayd lagu Xoomiyay
Hargeysa .
Bal ufiirsada wasaaradaha halbowlaha u ah Rayaale raysal baarlamaanku waa ayo?
Madax wayne ku xigeenku waa ayo? Wasiirka daakhiligu waa ayo wasiirka khaarijigu waa
ayo wasiirka Difaaco, waa ayo " wasiirka maaliyadu waa ayo wasiirka Qor-shayntu wa
ayo jananka milatarigu waa ayo Jananka Boolisku waa ayo gudoomiyaha maxkamada sare
waa ayo gudoomiyaha baanku waa ayo af hayeenka madaxtooyadu waa ayo dirawalkiisu waa
ayo Gudomiyaha Guurtidu,waa ayo, waxa alla wax dhiijiiyadu waa ayo bal is waydiiya
maxaa u hadhay umadii kale ee sharaakada la ahayd
Hadii wafdi maraykan yimaado oo wax laga qabanayo waa berbera haduu Carab yimaado oo
maalgashi uu samaynayo waa ber bera hadiii la furayo wax uun waa Berbera handii
irbad la dhoofinayo waa Berbera hadii foosta shidaal ah la keenaya waa berbera xiis
iyo maydh lughaya saylac sool qaamuska ina rayaale kuma taalo Awrka dhinaca ka raran
ee gorofka xoorka badan ina rayaale hargeisa ku koobay ee laga oomanyahay waan la
yaabay waxaan ka baqayaa inaa magaca soomaliland loo bixiyo Reerhebelland siyaasada
ina rayaale waan liqi kari wayay, rayaale waa nin Qabyaalada laga Masaxay iyo
Eexashadii iyo wax qabadkii Reer Awdal uu u yeelan lahaa waa nin bari hore laga
saaray, Bahashii Geeska Africa caanka ku ahayad ee Soomaali wixii la oran jiray ee
Qaaliga ahayd kala daadisay.
Siyaasada faysalaysan ee hirka badu iyo dabayluhu ay kolba dhican u wadaan ee xitaa
magacii ilaahay inoo bixiyay ee astaanta inoo ahayd ee ku hamiyaayo inuu
shankaroonland u bixiyo walaahi taana waan liqi kari wayay
Bahashan siiilaayyasan ee budh iyo tooriiyaysan hanjabada iyo bookaarada wadata
cidiya ku diiriraka yarooweysn ee wax alla wixii card diwaangelintu wadatay kula
hadhay yaroobe ee gaadhisiiyay afdarboqol oo kun oo qof si ay caaasimada hargaysa
uga dad bataan waxan olole ka badane balanqaadka elsiiyada iyo cashuur dhaafka lagu
taxaayo iyay ka haystaan siilaanyo waxanan ka baqayaa handii uu ku guulaysto inuu
casimada u rari doono gar adag
Taana waan liqi kari wayay
Tan kale waxaan la yaabay hanjabaada iyo dhaleecaynta loo geystey madaewyne ku
xigeenka soomaliland markuu u hanbalyeey madax weyne shariif raga ku hanjabaayay ee
k u cartamayay madaxwenye ku xigeenka waa ragii hal hayska u lahaa anigoo wax dili
kara duco qaadan maaye dabci qorigu ha I furo madaxweyne ku xigeenka shaqadoodu waxa
weeyi dhanbaal diriista iyo u ducaynta madaxweynayaasha aduunka madaxweyne shariifna
wuxuu mid yahay madaxwenayaasha aduunka walina wuu inaga xigaa waa nin soomaliyeed
madaxada soomaliland waxa seegtay inay gogol walaahood soomaliyeed ugu fidiyaan
hargeisa ama boorama ama burco si ay ugu nabadeeyaan marka ay dawlad u dhisaana wa a
la is ictiraafi lahaa sharaf iyo magac iyo dhaqaale waan ka heli lahayn waxaa
seegtay inay isticmaalaan siyaasada mandeela for give but never forget saamax oo
waligaa ha iloobin markuuu jeelka ka soo baxay Mandela wuxuu yiri hal hayskaa
qaaliga ah horey ayaan idiinku sheegay waar niman yahow gaalaad afar boqol oo
sanadood ayaad na adoon saneyseen ood na dileyseen na kubsaneyseen ood naga
xanibteen khayraadkayigii dheemanka ahaa xayawaan ayaad naga dhigteen Markaa saamax
ayaad naga tihiin se waligay iloobi mayno taariikhda ilaahay waxaa la yiraahdaa
qafiuuru raxiim saamaxe
Aduunku wuxuu noqday xaafad tuulo walba tuulada kale ayay u baahantahay dhaqaale
ahaan cilmi ahaan caafimaad ahaan 70% bulshada Somaliland waa dhalin yar bilaa shaqo
ah shaqo la,aan ayay badaha caalamku u dhameeyeen markaa xamar in layn badi inoo ma
dhaxeysee fiisana la inagama rabee way u shaqo tagi lahaayeen hadaan dajino
kumaanaankan bas iyo baabuur ee noloshii caruurtooda u lah ayaa laamiga koloyaysan
lahaa oo bariis u raadin lahaa caruurtooda wax baan baan idin xasuusinayaa hadaan
shaqo looo abuurin dhalinyarta oon hargeisa haayada ku xuunsan loo qaybin gobolada
dalka waxaan ka baqayaa inay inagu qarxaan inlayn waakan siyaasigiiba shaqo taga
ahee ee ku shaqo tagaya hal hayska la yiraahdo buurahaan ridqayaa raashin kaaga
samayn bada waan malabayn cirka waan ranjiyayn roob kaaga da,siin anigu waxaan
leeyahay waar siyaaasi noolee dalkaagaa oo noolee dadkaaga ee kaliga ha noolaan
ODEY SULAYMAAN MAANSHEEYE IIDLE
Allah mahadleh
Borama/ Somaliland Rss somali
Rss English