Falastiin oo ku biirtay Maxkamada ICC iyo Mareykanka oo cambaareeyey

Sharing is caring!

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa saxiixay heshiis ay uga mid noqonayaan maxkamada caalamiga ee dambiyada ICC.

Madaxweyne Cabaas ayaa magaalada Ramallah ee dalka Falastiin ku saxiixay heshiiskii Rome ee lagu aas aasay Maxkamada ICC.

Tallaabadan ay ku dooneyso Falastiin ka mid noqoshada Maxkamada caalamiga ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Israel dambiyo dagaal ka geysatay, iyadoo dhowaan Ururada Xuquuqda Aadanaha ay soo bandhigeen waxyaabo muujin kara dambiyada dagaalka

Dowladda Mareykanka ayaa ku sheegtay go’aanka Falastiin ee ay ku dalbatay ka mid noqoshaha maxkamadda dembiyada caalamka ee ICC inay tahay arrin dhibaatada sii hurineysa.

Mareykanka ayaa tilmaamay in aysan guuleysan doonin tallaabada ay qaadeen hogaamiyayaasha Falastiin.

Israa’iil ayaa ku hanjabtay tallaabooyiin aan cadeyn inay uga jawaabeyso go’aanka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa shalay saxiixay heshiis ay xubin uga noqonayaan maxkamadda ICC.

Falastiin ayaa ku guuldareysatay qaraar ay u gudbisay golaha amniga ee Qaramada Midoobeey kaas oo ay ku dalbanayeen in Israa’iil ay seddax sano ku soo afjarto haysashada dhulka Falastiiniyiinta.

Falastiin ayaa sidoo kale dooneysay in dal madax bannaan loo aqoonsado 2017-ka, iyadoo ay arrintaasi ay u ololeynayeen qaar ka mid ah beesha caalamka.

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com