Faah Faahin Kasoo Baxeysa Qaraxyo Maanta Ka Dhacay Hotel Dayax + Sawirro




Waxaa faah faahino dheeraad ahi ay kasoo baxeysaa Qaraxyo waa weyn  oo Saakay ka dhacay Hotel Dayax oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Qaraxa Koowaad oo ahaa gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhiftay agagaarka Hotelka oo ku dhow wadada Maka Al-Mukarama waxaana kadib gudaha Hotelka galay Dabley hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Markii dableyda gudaha ay u galeen dhismaha hotelka ayaa waxaa xigay qarax kale oo ka dhacay goobta, kaasi oo loo malaynayo inuu ku xirnaa gaari NOAH ah oo dableyda ay ka dageen.

Dhismayaal ka Agdhawaa Hotelka la Weerary ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan waxaana dhamaan dumay dhismayaasha ku gadaaman Hoteelka.

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay Qaraxyada Saakay ka dhacay Hotelka Dayax ayaa waxaa ku dhintay 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen 30 Ruux.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaan, waxaana ay sheegeen dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda inay gudaha u galeen Hotelka Dayax oo ay ka dagaalameen.

 

 

Sharing is caring!

Next page

About waashiton 696 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia