Faah Faahin Kasoo Baxeysa Qarax Xoogan Oo Saakay Ka Dhacay Magaalada Baledweyne




Sharing is caring!

Wararka Saakay aan ka heleyno Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Xoogan.

Qaraxan uu ahaa mid Bambo gacameed loo adeegsaday ayaa waxaa la sheegay in lagu weeraray Maqaaxi ku taalla xaafada Xaawo-taako ee Magaalada Baledweyne waxaana Qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimsho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 1 qof halka ay ku dhaawacmeen 3 kale sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Guud ee Magaalada Baledweyne, si xaaladooda caafimaad halkaasi loogu dabiibo.

Ciidanka Ammaank ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi saakay ka wadaan baaritaano, inkastoo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay falkan.

Next page

About waashiton 707 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia