Dowlada Qadar oo Shir ku casuuntay Madaxwenaha Soomaaliya Farmaajo

Dowlada Qadar ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ku casuuntay shir gaar ah oo la filayo in bishan uu ka dhaco magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa labo casuumadood soo kala gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibadda.

Shirkan lagu casuumay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah shir gaar ah oo soo qaban qaabisay dowlada Qadar oo ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey oo bishan ka dhacaya New York.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaki la galinayaa in uu ka qeyb galayo Shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobay, waaana suurto gal ah in safarkaasi uu Madaxweynaha ka baaqdo una diro Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa go’aan dhax dhaxaad ah ay ugu hiilisay dowlada Qadar ka qaadatay xayiraadii Wadamada Khaliijka kusoo rogeen dowlada Qadar oo xiligaasi lagu eedeeyay taageerada waxa loogu yeero argagaxisada .

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com