Dhismaha wadada Gaalkacyo & Hobyo oo la bilaabay

Mareeg.com: Waxaa maanta si rasmi ah loo dhegax dhigay wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo degmada Hobyo ee gobalka Mudug, taasi oo dhismaheedu maanta uu si rasmi ah u bilawday.

Munaasabadda dhagax dhigista waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha maamulka Gal-mudug State, Cabdi Qeybdiid, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha gudiga GOB ee qaabilsan dhisamaha wadadaan Prof. Shirwac ayaa sheegay maadaama hadda uu jiro kala guur dhanka maamulka ah in ay iyaguna go’aansadeen in ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana ay dhistaan wadadaasi.

Waxa uu tilmaamay in cid walba oo ku dhaqan deegaanada Gal-mudug laga doonayo in ay si iskaa wax u qabat, maadaama wadadaasi ay muhiim u tahay bulshada.

Madaxweynaha Gal-mudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku baaqay in shacabka Gal-mudug, kuwa gudaha dalka jooga iyo kuwa dibadda in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadadaan, sidoo kalena dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in kaalinteed ay soo muujiso.

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com